4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Qarax lala eegtay maareeyaha dekedda Muqdisho

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) -Qarax miino ayaa saakay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir lagula eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay qaraxan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ay ku dhaawacmeen labo ruux oo ka mid ahaa ilaalada maareeyaha.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxan lala eegtay maareeyaha ayaa imanaya xili habeennimadii xalay qof isa soo miidaamiyay uu weerar ku qaaday goob maqaaxi oo ay ku dhinteen siddeed ruux dhalinyarro ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]