4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda qarixii ismiidaaminta ah ee xalay ka dhacay Muqdisho
 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, ayay Alshabab sheegeen in ay ku dileen mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas'uuliyiinta dowladda.

Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxaan uu ka dambeeyay dagaalame naftii horre ah oo isku qarxiyay maqaayad kutaala wadada isku xirta isgooyska Lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay weerarkaan kusoo beegeen xilli uu maalintii shalay Muqdisho soo gaaray wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller kaas oo saacado kooban ku sugnaa garoonka diyaaradaha.

Marka laga tago sheegashada Alshabaab, qarixii xalay, ayaa waxaa ku dhintay dhalinyaro badan oo aqoonyahanno ah oo aan dowladda ka tirsanayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]