4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Caqabad ka taagan in lasii daayo maxaabiis burcad badeed ah oo Garowe ku xiran
 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Caqabad weyn ayaa ka taagan in lasii daayo maxaabiis burcad badeed ah oo ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, kuwaas oo ku dhawaad toban sano ka hor lagasoo wareejiyay dalka Sycheles.

Barlmaanka Puntland oo bishii june soo saaray go’aan lagusii deynayo maxaabiistaan, ayaa suurto gali waaayay kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu ka gaabsaday inuu saxiixo go’aanka lagusii deynayo.

Heshiis saddex geesood ah oo u dhexeeya Puntand, Sycheles iyo qaramada Midoobay ayaa keenay in ay suurto gali waydo dadaalo badan oo loogu jiray in maxaabiistaan xoriyadooda loosoo celiyo.

Xildhibaano ka socda Galmudug oo Garowe u jooga in ay la wareegaan 17 maxaabiis ah oo kasoo jeeda Galmudug, ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo aan kala joogsi lahayn oo ku doonayaan in ay kula wareegaan maxaabiista.

Waxay ka mahad celiyeen sida ay Puntland u daryeeshay maxaabiista, Waxayna kaloo sheegeen in ay caqabad weyn hortaagan tahay in maxaabiista lasiiidaayo.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu Puntland yimaado wasiirka arrimaha dibada Sycheles, kaasoo lagu wado inuu Puntland kala hadlo fududaynta hannaanka lagusii deynayo maxaabiista u xiran dambiyada burcad badeeda.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]