4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee caawo ka dhacay Muqdisho
 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay weerar ismiidaamin ah oo qof naftii hallige ah uu ka geystay maqaayad lagu caweeyo oo kuyaala wadada garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen qaraxaas halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ay ku eedeysay kooxda Al-shabaab.

Wasaaraddu tafaasiil kama bixin sida uu falkaan u dhacay iyo goobta laga geystay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]