4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) -Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa  ayaa isku qarxiyay maqaayadda jalaato Devino oo ku taal wadadda laga galo Garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade ,maqaayada ayaa ah mid inta badan dadku isugu yimaadaan.

Inta la xaqiinayo 7 ruux ayaa qaraxan ku dhimatay, halka tiro ka badan 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance

Saraakiisha ayaa intaa ku darray in khasaaruhu intaa ka sii badan karo madaama wali gurmadku socdo, dadka ku dhintay qaraxan ayaa u badnaa dhalinyarro siweyn intooda badan loo garanayay magaalada Muqdisho kuwaa oo qaar ka mid ah durbaba tacsidoodu qabsatay baraha bulshada.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ku soo banayay qaraxyada lagu bartilmaameedsanayo goobaha muhiimka ah iyo saraakiisha dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]