4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Midowga Musharixiinta oo hadalkii Cumar Filish ku tilmaamay hanjabaad ka timid Madaxweyne Farmaajo

 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) -Qoraal ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa looga hadlay hanjabaadii uga timid guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish fariin uu soo diray madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hadalkiisu uu u muuqdo mid colaad hurin ah oo aan waxba ka duwaneyn inta badan tabaha ay isticmaalaan Al-shabaab ee lagu baneysto sida ay hadalka u dhiggeen dhiigga dadka muslimka ah.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay midowga musharixiinta :

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]