4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Wasiir Shiddo'' dagaalka gobolka Tigrayga waa mid shacabka looga badbaadinayo gaboodfallada TPLF

 

Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Isaga oo wareysi siinayay France 24 ayuu sheegay Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shiddo in dagaalka ka socda gobolka Tigrayga uu yahay mid lagu soo celinayo'' Amarka iyo Kala danbeynta gobolka''

Wuxuu sheegay in ciidamada difaaca Qaranka ay la wareegeen maalmihii ugu danbeeyay deegaanno dhowr ah dhawaanna la soo afjari doono dagaalka.

Wuxuu sheegay in howlgalkani yahay mid shacabka looga badbaadinayo sida uu hadalka u dhigay jabhadda TPLF oo uu ku eedeeyay in ay geysteen gaboodfallo kala duwan.

Wasiirka maaliyaddu wuxuu soo qaatay xasuuq la sheegay in 9-kii  bishan November ka dhacay magaalada Mai-Kadre ee gobolka, halkaas oo guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) uu sheegay in koox dhallinyaro maxalli ah  ay gacan ka geysteen dilka boqolaal rayid ah, eedeymaha oo daba socday warbixintii Amnesty International. tiro, oo ay u badan tahay boqolaal "ayaa la dilay.

Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in dagaalka gobolka Tigrayga uu gallay qeybihiisii ugu danbeyay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]