4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Dowladda Faransiiska oo Soomaaliya ka cafisay lacag dhan $306-Million

 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL)  Dowladda Faransiiska ayaa ka cafisay lacag dhan $306-Million sida uu sheegay Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Wasiirka ayaa yiri Tani waa tilaabo kale oo Soomaalliya ay u qaaday ka guul gaarista wadahaldalka deyn cafinta oo maraya barta go’aan qaadashada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiskaa deyn cafinta ah isaga oo la saxiixday Safiirka Dowladda France ee dalka Kenya Aline Ménager.

''Dowladda Soomaaliya waxaa sharaf u ah in si rasmi ah looga cafiyay lacag dhan SADEX BOQOL & LIX MILYAN ($306-Million), Heshiis kaan ayaa daba socda go'aankii wadamada Paris Club ee ay gaareen March 2020,  guushaan taariikhiga ah ee aan maanta gaarnay waxaa ay marqaati u tahay dadaalka iyo dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waana ay naga go'antahay in aan sii wadno Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Soomaaliya'' ayuu yiri Wasiir Beyle.

Horey Soomaaliya waxaa deymaha ugu cafiyay  Wadamo iyo Hey’adaha dhaqaalaha Caalamka waxaana talaabada Faransiiska uga cafiyay Soomaaliya lacagtan ayaa ku timid dib u habeyntii maaliyadda iyo guulihii Soomaaliya ka gaartay wadahadalka dayn dhaafka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]