4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Cumar Filish oo fariin hanjabaad ah u diray Midowga musharixiinta

 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish oo ka hadlayay qoddobadii ku jiray War-murtiyeedkii maanta ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa ku tilmaamay wax aan soconeynin.

Cumar Filish ayaa sheegay in musharixiinta war-murtiyeedka soo saaray marnaba diyaar u aheyn in dalkan doorasho ka dhacdo, isaga oo intaa ku daray in horrey ay uga biyo diideen sharci uu baarlamaanka meelmariyay madaxweynuhu-na saxiixay oo ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, iyaga oo ka doorbiday in dib loogu laabto doorasho dadban.

Hasse ahaatee markii loo yeelay rabitaankoodii ahaa in dib loogu noqdo doorasho dadban haddana la soo baxeen siyaasaddo kale oo doorashada lagu carqaladeynayo.

''Maamul gobolleedyada guddiyadii laga rabay wey soo magacaabeen marka laga reebo Labo maamul gobolleed oo shisheeyuhu yiri ha magacaabina, guddiyada ayeey dood ka keeneen oo ay leeyihiin hala-badallo'' ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale wuxuu sheegay in war-murtiyeedka maanta ka soo baxay musharixiinta uu ka mid ahaa qoddob dhigaya sida uu hadalka u yiri habel ha is casilo, isaga oo ula jeeday ''Fahad Yaasiin' isaga oo yiri' '' Qofka la magacaabayna waxaa xilka ka qaadi kara qofkii magacaabay, qofka la doortayna wuxuu sugayaa inta uu ka dhameysto waqtigiisa'' .

Cumar Filish ayaa sheegay in hadallada ka soo yeeray musharixiinta ee ah doorasho lama qaban karo yihiin kuwo waxba kama jiraan ah oo afka uun ku eg '' Waad ogtihiin waxey soo alifeen Cumar Filish xilka waa laga qaaday, waayo waxey ka wadaan Nin aan fowddo yeeleynin waaye, waa run Anniga fowdo ma yeelayo Gobolkan Anniga ayaa wax leyga weydiinayaa bootada ay akhrinayaan car afka ha soo dhaafto,hadii ay soo dhaafto maxaa dhacayo meeshii laga soo diray ayeey u carari doonaan warkaa ha i loobina" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wuxuu sheegay in dalkan ay ka dhici doonto sida uu hadalka u dhigay doorasho xalaal ah oo ka hufan kuwii horay dalka uga soo dhacay.

Hadalka Cumar Filish ayaa imanaya xili maanta midowga musharixiinta dalka ay soo saareen war--murtiyeed ka koobnaa 18 qoddob oo dhamaantoo la xiriira arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]