4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Al-shabaab oo hal goob ku dilay dad isku Qoys ah

 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegay in Al-shabaab toogasho ku dileen dad hal qoys ka tirsanaa.

Al-shabaab oo weeraray guriga ay ku noolaayeen qoyskan ayaa  dilay 7 ruux oo ka koobnaa Hooyo,Aabihii reerka iyo caruur ay dhaleen.

Aabaha Guriga ee weerarka ku dhinatay ayaa la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa militariga Soomaaliya isaga oo isku dayay in uu iska caabiyo weerarka uga yimid xoogagga Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay dilkan dadka halka qoys ka koobnaa oo siweyn argagax ugu abuuray bulshada ku dhaqanka gobolka Bakool.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay dadkaasi Al-Shabaab ku dileen degmada Waajid, isaga oo arin nasiib darro ah ku tilmaamay dilka loo geystay qoyska.

Dhawaan ayeey aheyd markii Al-shabaab isla gobolka ku gubeen 7 gaari oo xamuul ah oo ay lahaayeen dad shacab ah kana anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]