4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Madaxweynaha Koonfur galbeed oo farriin culus u diray murashixiinta mucaaradka
 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa murashiixnta mucaaradka ugu baaqay in aysan cabashadooda ku salaynin rabitaankooda iyo in loo yeelo sida ay iyagu doonayaan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay xaflad lagu sagootinayay raysal wasaaraha Soomaaliya oo socdaal ku joogay Baydhabo, ayaa ugu yeeray murashixiinta qaarkood oo dalkaan soo hoggaaminayay in ay taariikhda dib ugu laabtaan oo ay soo xasuustaan wixii ay horey usoo sameeyeen.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa ku eedeeyay murashixiinta in ay ka abaal dhacayaan wanaagii ay sameeyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo uu sheegay in ay dalka u horseedeen heshiis doorasho oo la isla oggol yahay.

“Qolyaha guddiga ka cabanaya oo madaxdii hore ah, waxaan ugu baaqayaa in ay kaligood meel  fariistaan oo soo xasuustaan wixii ay kaligood sameeyeen, oo sidoo kale ha taageereen waxa fiican ee aan sameynay, oo yaysan u xiisin wixii xumaa ee ay sameyn jireen,’ ayuu yiri madaxweyne Lafta gareen.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in koonfur galbeed lagu dacaayadeeyo sababta ay mar kasta hormuud ugu tahay fulinta waxa lagu heshiiyo iyo rabitaanka dowladnimada.

Ugu dambayn, wuxuu murashixiinta ugu baaqay inay cabsida iska daayaan oo ay ku kalsoondaan dadaalada lagusoo dhisayo barlamaan hufan oo aan cidna gacanteeda ama rabitaankeeda kusoo xulan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]