4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo sheegay inay Suudaan ka caawiyeen hannaanka loo maro dayn cafinta
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay Suudaan uga faa'ideysay khibraddeeda Deyn cafinta.

Dowladda Suudaan ayaa haatan dib u bilaabaysa shuruudaha ku xusan cafinta deymaha hay’adda IMF, sharuudahaas oo ay Soomaaliya ka soo gudubtay goor hore sida uu sheegay wasiir Bayle.

Sida ku cad qoraal kasoo baxay IMF, dowladda Soomaaliya ayaa suudaan siisay waddooyinka Deyn cafinta ee shuruudaha IMF iyo hanaanka Kormeerka Shaqaalaha ee SPM.

Wasiirka maaliyadda ayaa tilmaamay inuu qaab online ah kula shiray madaxda Maaliyadda Suudaan.

“Had iyo jeer dib-u-habeynta Maaliyaddu waa safar adag, balse aan ka soo gudubnay oo faa'iidadiisana aan helnay. Waxaa naga go'an in aan sii laba laabno dadaalka aanu ku hagaajinayno hanaanka Maaliyadda Soomaaliya,’ ayuu yiri wasiirku.

Xukuumadda Federaalka ayaa horey u sheegtay inay ka gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]