4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Wasiirkii hore ee amniga Puntland oo dalka Turkiga ugu geeriyooday Covdi19
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga maamulka Puntland general Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta isbitaal kuyaala dalka Turkiga ugu geeriyooday cudurka Coronavirus iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay xaaladdiisa caafimaad aad looga deyrinayay.

Marxuumka ayaa kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland sanadkii 2019. Wuxuu hadda kamid ahaa taliyayaasha gaarka ah ee madaxweyne Deni.

General Khaliif ayaa katirsanaa saraakiil kooban oo loo xilsaaray dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada Puntland maadaama uu aqoonta durugsan u lahaa arrimaha ciidamada, isagoo kamid ahaa saraakiishii kacaanka.

Geeridiisa ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmo kahor uu dalka Turkiga ku geeriyooday afhayeenkii Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]