4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay gubeen 7 Gaari oo xamuul ah

 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL)- Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen Toddobo gaar oo xamuul ah deegaan ka tirsan gobolka Bakool.

Gaadiidkan oo sida uu sheegay afhayeenka Booliiska ka anbabaxay magaalada Beledweyne ayaa lagu gubay  eegaanka lagu magacaabo Emed Koore.

“Fiidnimadii xalay ayeey Al-shabaab ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada Emed Kooreey ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen islamarkaana u rarnaa dad shacabka ah ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur”ayuu yiri Afhayeenka ciidanka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarrakada Al-shabaab oo ka hadlay eedeynta loo jeediyay ee ah in ay gubeen gaadiid xamuul ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]