4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
La taliyaha Amniga Itoobiya Gedu Andargacho oo Muqdisho kula kulmay madaxweyne Farmaajo

 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) -La taliyaha dhinaca Amniga Dowladda Federaalka Itoobiya Gedu Andargacho ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warkan ma aysan shaacin Villa Soomaaliya, hasse ahaatee safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Jamaludin  Mustafa ayaa sheegay in La taliyaha iyo madaxweynaha Soomaaliya ka wada hadleen arrimo dhowr ah gaar ahaan dagaalka ka soconaya qeybo ka mid ah dalka Itoobiya.

Safiirka ayaa intaa ku darray in  Gedu Andargacho uu madaxweyne Farmaajo soo gaarrsiiyay fariin uu uga siday Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Wuxuu sheegay in la taliyaha iyo madaxweyne Farmaajo is weydaarsadeenn wax-yaabo kala duwan sida hawlgalka sharci fulinta ee dowladda Itoobiya ka wado waqooyiga Itoobiya.

Amb. Jamaludin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo u muujiyay midnimo iyo taageero ku aadan hawlgalka sharci fulinta ee socda.

Warkan ka soo baxay safaaradda Itoobiya iyo booqashada La taliyaha dhinaca Amniga ee dalka Itoobiya ayaa imanaya xili dhawaan xilka si deg deg ah looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka hor inta aan xilka laga qaadin xafiiskiisa ay ka soo baxday warbixin uu uga hadlayay mowqifka Soomaaliya ee dagaalka ka soconaya dalka Itoobiya taasoo loo maleynayo in ay sabab u noqotay xil ka qaadistiisa.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]