4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Guddoonka Golaha Shacabka oo taggay madasha shirka midowga musharixiinta

 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Shirkan oo markiisii hore ku bilaaday musharixiinta garabka mucaaradka oo kaliya ayaa hadda waxaa ku biiraya dhinacyo kale xubno  oo isugu jira Ururrada bulshada rayidka iyo mas'uuliyiin ka tirsan  Dowladda Federaalka.

Galinkii hore ee maanta waxaa madasha shirkan uu ka soconayo taggay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo qaar ka mid ah xubnaha dowladda ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi, halka galinkii danbe ee maantana ay madasha shirka booqdeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Ku-xigeenkiisa koowaad Cabdi Wali Sheekh Ibraahim Muudeey.

Waxaa soo dhaweeyay  labadan mas'uul xubno ka tirsan musharixiinta garabka mucaaradka oo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Shirkan musharixiinta oo sida ku qoran jadwalka qorsuhu ahaa in maanta la soo gabagabeeyo ayaa sii socon doona ilaa maalinta berri ah, madaama ay ku biireen wajiyo la filayo in ay qeyb ka noqdaan war-murtiyeedka lagu waddo in shirka laga soo saaro.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]