4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Kulan fashil kusoo dhamaaday oo Ceelgaal ku dhexmaray Sarakiisha Golaha Samata Bixinta Hiiraan & maamulka Gobolka Hiiraan
 

Axad, November, 22, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelgaal oo dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ilaa 13 KM ayaa sheegaya in halkaasi kulamo xasaasi ah ku dhexmareen Sarakiisha Golaha Samata Bixinta Hiiraan iyo xubno ka socda maamulka gobolka Hiiraan uu horkacaayo guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Kulamadan ayaa yimid kadib markii ciidamo aad u fara badan oo kasoo horjeeda nidaamka lagu dhisay Hirshabeellada labaad ay saldhigteen deegaanka Ceelgaal.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo caawa ku sugan deegaanka Ceelgaal ayaa ujeedkiisu ahaa wadahadalo in lagu qanciyo ciidamadan deegaankaasi isku aruursanayay maalmahii lasoo dhaafay inkastoo aysan wali u suura galin inuu ku guuleysto qancinta Sarakiisha iyo ciidamada Golaha Samata Bixinta Hiiraan.

Warar hoose oo ay heshay Shabakadda HOL ayaa sheegaya in kulamadii hore ee caawa fiidkii lagu kala kacay oo ay kuso dhamadeen fashil iyo isfaham waa.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa sheegaya iney ka go'an tahay la dagaalanka Hirshabeelle hadii aanan la sixin tabasho badan oo la xariirta hab dhismeedka Hirshabeelada labaad sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah Sarakiisha Golahaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]