4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Shirka musharixiinta oo la ballaariyay iyo ururrada bulshada rayidka oo ku biiray

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL)-  Shirka maalintii labaad ee galay ee magaalada Muqdisho uga soconaya midowga musharixiinta xilka madaxweynaha ayaa waxaa ku biiray qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka oo dhawaan soo saaray walaac ay ka qabaan doorashada.

Musharixiinta ayaa la sheegay in ay martiqaad u fidiyeen ururradan bulshada ee maanta ku biiray shirka si markaa ay qeyb uga noqdaan war-murtiyeedka ugu danbeeya ee la filayo in maalinta berri ah laga saaro kulanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in saacadaha soo socda sidoo kale la filayo in shirkan ay qeyb ka noqdaan odayaasha dhaqanka qaarkood oo maalmihii ugu danbeeyay kulamo ay Muqdisho ku yeesheen ku dhaliilay dowladda hannaanka ay u maamuleyso doorashada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa culeys ku saaraya dowladda in ay wax ka badasho guddiyada ay u saartay in ay maamulaan doorashada iyaga oo arintan ka la kaashanaya qeybaha bulshada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]