4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 20, 2020
Shir Muqdisho uga furmaya musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya

 

Jicmo, November, 20, 2020 (HOL) -  Maalinta Axad ah toddobaadka danbe oo ay taarkhiidu ku beegan tahay 21 bishan November, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu shir uga furmo midowga musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiintan ayaa intooda badan maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyaga oo khudbado ay siyaabo kala duwan u jeediyeen ku weerarray dowladda Soomaaliya kana digay doorasho aan wadar ogol ku imaan in ay dhacdo.

Kulanka ayaa la filayaa in  ay uga wadahadlaan nooca doorashada dalka iyo  sida ay ka rabaan in ay u dhacdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda wali ku adkeysaneysa in hannaanka doorashada loo waddo tahay mid sax ah oo ku socta qaabkii lagu heshiiyay, waxaana ay dowladdu difaacday guddiyada ay doorashada u saartay.

Shirkan musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah u furmaya ayaa qaadan doona muddo saddex cisho waxaana la filayaa in ugu danbeyntii laga soo saaro bayaan wadajir ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]