4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Madasha Xisbiyada Qaran oo taageeray go'aankii guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi

 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL)-  Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu taageeray go'aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare ee soo magacaabista guddiga soo xulista Xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee ka mid  noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya,

Qoraalka ka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay  in looga baahan yahay dowladda Soomaaliya in ay ilaaliyaan xuquuqda xildhibaannada Gobollada Waqooyi soo xulista Guddiga Arintan ka shaqeynaya looga danbeeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo ay ku tilmaameen in uu yahay mas'uulka ugu mudan dhinaca sharciga

Akhriso Qoraalka ka soo baxay madasha :

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]