4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Sharciga dhismaha hay'adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga dadweynaha oo la meelmariyay

 

Isniin, November,  02, 2020 (HOL)- Kulan maanta xildhibaannada Golaha Shacabka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayeey ku meelmariyeen sharciga dhismaha hay'adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga dadweynaha.

Kulanka oo ay soo xaadireen 143 xildhibaan waxaa ay cod aqbaliyad ah ku ansixiyeen sharciga, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku dhawaaqay in sharcigan ansax yahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horay yaala sharciyo dhowr ah oo u baahan in ay meelmariyaan, xili dhinaca kale waqtiga u harsan Baarlamaanka hadda jira uu yahay mid kooban,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]