4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Lataliyihii hore ee amniga madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Al-shabaab canshuur ka qaadaan Kenya
 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL) - Lataliyihii hore ee amniga madaxweyne Farmaajo, Hussein Moalin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kordhiyeen nidaamyadooda dakhli uruurinta gudaha Kenya, kadib markii warbixin dhawaan uu soo saaray machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho uu ku shaaciyay sida kooxdu u soo xareyso dakhli sanadle ah.

Wareysi uu siiyay Universal TV, Mr Moalim oo xubin ka ahaa khubaro ka dambeysay warbixintii ugu dambeysay ee uu daabacay Machadka Hiraal wuxuu ku celceliyay in kooxda Al-shabaab ay aruuriso $ 15m bishii iyagoo canshuur ka qaada dhammaan noocyada ganacsiga, NGO-yada, dekedaha iyo xitaa shaqaalaha dowladda.

Marka laga soo tago canshuur bixiyeyaasha Soomaaliya, kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale ka sameysay nidaamyo canshuuraha meelaha ay ka maamusho Kenya halkaas oo Al-Shabaab ay lacag uga soo ururiyaan gawaarida ku safarta waddooyinka waaweyn.

Xuseen Macallin ayaa  ku dooday in habka ay kooxda Al-shabaab lacagaha uga qaaddo dadka ay tahay mid aad uga casrisan tan maamulka, iyadoo leh awood canshuur looga qaado dekedaha Muqdisho, Bosaaso iyo Kismaayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]