4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Shariif Sheekh Axmed oo la kulmay duubabka dhaqanka ku sugan magaalada Jowhar

 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL)-  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maalintii shalay taggay magaalada Jowhar ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la lahaa Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ku howlan dhismaha 2aad ee Hirshabeelle, waxaana  kulankii ugu danbeeyay uu  la qaatay duubabka dhaqanka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa duubabka dhaqanka kala hadlay tabashooyin ay ka qabaan habkii loo soo xulay xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle oo qaarkood ka cabanaya in dibadda la dhiggay xubnihii ay soo gudbiyeen.

Mas'uuliyiinta Hirshabeelle ayaa lagu waramayaa in uu kala hadlay Shariif Sheekh Axmed cabashada duubabka dhaqanka qaarkood oo wararku sheegayaan in loo sameeyay balanqaadyo kale iyo xilal laga siinayo xubnaha ay wataan Hirshabeellada cusub.

Sidoo kale wararka ka imanaya Jowhar ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed kulan albaabadu u xirran yihiin uu la qaatay ku-simaha madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen  Guudlaawe oo ay ka wadda hadleen doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Lama oga  waxa uu ku soo dhamaaday kulanka labada mas'uul, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu wado qorshe beeshisa uu kaga raaridayo in aan wax fara-galin ah lagu sameynin awood-qeybsiga ay ku dhisan tahay Hirshebeelle ee ah in kursiga madaxweynaha loo daayo Gobolka Hiiraan.

Shariif Sheekh Axmed waxaa socdaalkiisa Jowhar  ku wehlinaya xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]