4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 2 , 2020
Diiwaangalinta Musharixiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta bilaabaneysa

 

Isniin, November, 02, 2020 (HOL)- Waxaa lagu waddaa in maanta oo Isniin ah magaalada Jowhar ay ka bilaabato diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka sare ee Baarlamaanka 2aad Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xassan Macalin Jeelle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay 4 bishan November loo asteeyay in la qabto doorashada Guddoonka inta ka horreysana laga shaqeyn doono qabashada Araajida iyo hadal jeedinta musharixiinta.

Waxaa jira musharixiin dhowr ah oo durbaba shaaciyay dabacooda ku aaday qabashada xilalkan kuwaa oo isugu jira Guddoonka Baarlamaanka, ku-xigeenkiisa kuwaad iyo Labaad intaba oo dhamaantood doorasho ku imanaya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ah kursiga ugu saameynta badan ayaa siweyn isha loogu hayaa, waxaana wararku sheegayaa in ay jiraan musharixiiin dhowr ah oo isku haya xilkan kuwaa oo dhinacyo kala duwan la leh xiriir siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]