4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Taliye ku-xiggeenkii hore ee NISA’’ Guddiyada Doorashada waxaa ku jira Shan Ruux oo Nabad-sugida ka tirsan

 

Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)- Taliye ku-xiggeenkii hore ee hay’adda Nabad-sugida Qaranka Ismaaciil Daahir oo warbaahinta wareysi siiyay ayaa ka hadlay doodda ka taagan guddiyada doorashada iyo wax ka jira in ay ka mid yihii xubno ka tirsan hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Ismaaciil Daahir ayaa sheegay in guddiyada la magacaabay in ay jiraan sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad ka tirsan hay’adda Nabad-sugida oo uu si gaar ah u garanayo’’ ilaa shan qof oo aan Anniga si gaar ah u garanayo ayaa ku jira guddiyada heer federaal iyo kuwa dowladda gobolleedyada intaba.

Mar wax laga weydiiyay cadeymaha uu u hayo in ay guddiyada ka tirsan yihiin shaqsiyaad uu garanayo oo NISA ka tirsan ayuu yiri’’ Waa leys yaqaannaa shanta ruux ee aan kuu sheegay waliba waa shan ruux  oo  saraakiil Nabad-sugida ka tirsan ah, haddii ay shaqada ka taggeen oo ay hadda dad shacab ah yihiinna dowladda ayaa laga rabaa in ay cadeyntaa la timaado.

Wuxuu sheegay in ujeedada guddiyadan dhalinyarrada u badan loo magacaabay tahay in awood u sheegtaan islamarkaana maquuniyaan sida uu hadalka u dhigay Ergada beelaha ee dooranaya xildhibaan si markaa shaqsiga ay dowladda wadato loo soo saaro.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay hadalkii ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya uu shalay ka sheegay Tayaatarka Qaranka wuxuu sheegay Ismaaciil Daahir in hadalkaasi uu hor dhac u yahay qorshaha ay dowladdu wadato ee ah in doorashada lagu shubto.

‘’Waad ogtihiin maamul gobolleedyada uu soo qaatay ee Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug doorashooyinkii ka dhacay waxey ahaayeen kuwo ay dowladdu maamuleysay xubnihii ay dowladda waatayna ku soo baxeen, marka wixii Uurka ku jira Afka ayaa Dafa ayeey Soomaalidu ku maahmaadaa, sidaa daraadeed Ra'iisal Wasaaraha ayaa cadeeyay sida ay doorahada ka damacsan yihiin’’ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda ku adkeysaneysa in guddiyadan noqon doonaan kuwa maamulaya doorashada, halka mucaaradku-na ay ku doodayaan in aysan ka qeybgali doonin doorasho ay dowladdu iskeed u maamulaneyso.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]