4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay war ay ka soo saartay mowqifkeeda dagaalka Itoobiya

 

Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay qoraal markii hore lagu shaaciyay bogga Twitter -ka Wasaarradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya  oo la xiriiray mowqifka dowladda ee dagaalka ka soconaya Waqooyiga dalka Itoobiya.

Qoraalkan oo warbaahintu qaadatay ayaa si deg deg ah markii danbe looga saaray bogga Twitter -ka Wasaarradda waxaana lagu sheegay in uu ahaa qoraal aan sax aheyn kana turjumeynin mowqifka dowladda Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Wasaarradda laakiin markii danbe dib looga noqday ayaa u dhignaa in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in wadahadal saaxiibtimo lagu xaliyo dagaalka Itoobiya.

Qoraalkii hore ee laga saaray Bogga ayaa u dhignaa siddan :

Wasiirka oo beenninaya qoraalkan hore

 

Lama oga sababta ay dowladda u qaadatay go'aankan danbe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]