4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 18, 2020
Mareykanka oo liiska Argagixisada ku daray Labo sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab

 

Arbaco, November, 18, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada ku dirtay Labo sarkaal oo sare kana tirsan ururka Al-shabaab, kaddib qoraal ka soo baxay Wasarradda Arrimaha dibadda.

Saraakiisha loo aqoonsaday Argagixisada caalamiga ah ayaa kala ah C/llaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaano Engineer Ismaaciil iyo Macalin Ayman oo magaciisa yahay C/casiis Dhubow.

Labada Nin ayaa lagu kala sheegay in ay shaqooyin muhiim ah  u hayaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab oo ah xoogag ka dagaalama dalka Soomaaliya iyo wadamada gobolka qaar ka mid ah 

Sarkaalka lagu magacaabo C/llaahi Cusmaan  ayaa lagu sheegay in yahay Khabiir dhanka Qaraxyada iyo Madaxa Qaraxyada Al-Shabaab, sidoo kalena ah La Taliyaha gaarka Hoggaamiyaha Al-Shabaab iyo Madaxa Warbaahinta Al-Shabaab.

Ayman ayaa hoggaamiya Guutada Ayman, waxaana ay ka howlgalaan Soomaaliya iyo Kenya, r kuwaa oo marar badan geystay weerar culus oo galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali iyo Kenyaan ah.

Al-shabaab ayaa sanadkii 2008 guud ahaan lagu daray liiska Argagixisada, kaddib markii ururkan uu sanadkii 2012 ku biirtay Ururweynaja Al-Qaacida.

 
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]