4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Abiy Ahmed'' wuxuu dhamaaday waqtigii loo qabtay in ay isku soo dhiibaan Jabhada TPLF

 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL)- Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in uu soo dhamaaday waqtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka iyo ciidamada TPLF ee weli la dagaalamaya ciidamadiisa.

“Waa dhammaatay muddadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka u tababaran ee TPLF, ” ayuu yiri Abiy Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu mahad-celinayo dhammaan dadkii faa’iideystay fursadaasi ee isku soo dhiibay ciidamada federaalka ee duulaanka ku qaaday Tigrayga.

Xaaladda Itoobiya ayaa weli qasan, iyada oo uu sii xoogeystay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi oo qaatay in ka badan 10 cisho.

Kumaanaan kun oo qoys ayaa sidoo kale isaga qaxay gobolkaasi, kuwaas oo u talaabay gudaha dalka Suudaan.

Si kasataba wadamada gobolka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya sii socoshada dagaalkan iyo colaadaha ka taagan waqooyiga dalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]