4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Madaxweyne Trump oo qorsheynaya inta uusan xafiiska ka tegin inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya
 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inuu ku amro militariga Mareykanka inay kumanaan askari kala baxaan Afghanistan, Iraq iyo Somalia, ka hor waqtiga uu xafiiska ka tagayo bisha Janaayo.

Amar qabyo ah oo horyaala Pentagonka, ayaa sheegaya in tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan laga dhimayo kala bar.

Ciraaq gudaheeda, Pentagon wuxuu yareyn doonaa tiro ka hooseeysa 3,000 oo askari oo taliyayaashu horay u shaaciyeen.

Soomaaliyana, in ka badan 700 oo askari oo ku lug leh tababaro iyo howlgalo argagixiso  ayuu maamulka Trump qorsheynayaa inuu kasoo saaro.

Trump ayaa muddo dheer ku haminayay inuu joojiyo qarashka ku baxa hawlgallada milatari ee ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray kacdoonka islaamiyiinta ee dalalka fashilmay iyo kuwa jilicsan ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Qorshaha ka bixitaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inuusan quseynin ciidamada Mareykanka ee ku sugan meelaha u dhow Kenya iyo Jabuuti, halkaasoo ay ku sugan yihiin diyaaradaha fuliya duqeymaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]