4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Dowladda oo soo bandhigtay magacyada saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo la qabtay

 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamadeedu ka fuliyeen gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah deegaannada hoosyimaada labada Shabeelle ku soo qab qabteen saraakiil ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan ciidamada gaar ahaan guutada DANAB  ugu suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Horjooge Xasan Yuusuf  Cali ,Horjoogihii Maktabka Waxbarashada Dumarka ee deegaanka Ceelcade ee gobolka Hiiraan Cali Cabdulle Jilacow, iyo Horjogihii Sakawaadka gobolada Shabeeloyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Sida ay sheegtay warbaahinta ku hadashay Afka ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya sidoo kale howlgalkan ayaa lagu burburiyay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen qeybo ka mid ah deegaannada  ay ciidamadu howlgalkan ka fuliyeen, marka laga soo tago sheegashada dhinaca dowladda dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]