Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Dableey hubeeysan ayaa Caawa xaafada Bundaweyn ee magaalada Baledweyne waxay ku dileen allaha u naxariiste guddoomiye ku xigeenkii xaafada Bundaweyne Cabdi Muxumed oo loo yaqiinay Kuukaay Dheere.
newsinsideKooxahii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta waxaana saacado kadib goobtii marxuumka lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa militiriga Soomaaliya kuwaas oo baaritaano ka bilaabay xaafada lagu dilay marxuumka .
Guddoomiye ku xigeenka caawa lagu dilay xaafada Bundaweyn ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo caanka ahaa magaalada Baledweyne gaar ahaan xaafada Bundaweyn.
Lama oga cida ka dambeysay dilka guddoomiye ku xigeenkii xaafada Bundaweyn allaha u naxariiste marxuum Kuukaay Dheere.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]