4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Wasiir Cawad: Kenya waa dalka noogu muhiimsan dalalka walaalaheen ee deriska nala ah
 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa sheegay, Soomaaliya in ay qaadatay siyaasad isku dhowayn ah oo lagu midaynayo dalalka kuyaala geeska Afrika ee saameyn ku leh Soomaaliya, si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka kala duwan.  

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay dalalka ugu muhiimsan in ay yihiin dalalka deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo labada Suudaan . Adduunkii waa iskusoo dhowaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol iskusoo xirin oo aan la socono isbedela ka socda gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiir Cawad, in dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay ay ka shaqeynaysay in siyaasada arrimaha dibadda ay noqoto mid ka shaqeysa isku soo dhowaanshaha wadamada gobolka, si looga baxo colaadihii kala irdheeyay dalalka gobolka.

Hadalkaan ayuu wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ka sheegay furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]