4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Dowladda oo sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab

 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Gaar ahaa howlgalkan oo ay ka sameeyeen ciidamada deegaanka Gambooley ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayeey sheegeen saraakiisha ciidamadu in ay ku dileen Nink lagu magacaabo Sheekh Maxamed Suleymaan Gacameey oo Al-shabaab uga wakiil ahaa gobolka.

Howlgallada ayeey sidoo kale sheegeen in ay kula wareegeen fariisimo ay markii hore ku sugnaayeen Al-shabaab laakiin ay isaga cararreen sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha dowladda, majiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira in la dilay wakiilkoodii gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]