4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 16, 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur'' Doorasho aynaan raali ka noqon Muqdisho laguma qaban karo

 

Isniin, November, 16, 2020 (HOL) - Iyadoo aad moodo in ay cirka isku sii shareertay doodda ku saabsan Guddiyada Dowladda Federaalka u saartay doorashada 2020-21, ayaa waxaa soo baxaya markan fariimo culus oo ay siyaasiyiinta ka soo horjeeda u dirayaan Dowladda.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlayay TV--ga Universal ayaa sheegay in doorasho aysan iyagu raali ka aheyn marnaba lagu qabin karin sida uu hadalka u dhiggay magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha ayaa u muuqda markaa in uu ka hadlayo doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi ee ka mid noqonaya mudanayaasha cusub ee Golaha Shacabka ee la soo dooranayo dhawaan.

''Qof walba oo raba in uu xildhibaan ka noqdo Baarlamaanka soo socda waxaa la marsiinayaa xarunta Nabad-sugida oo ay tallo lacag ay Dowladda Qatar ugu tala--gashay in uu xildhibaankaasi ku soo baxo, waxaan rabaa in aan u sheego dowladda in doorasho aan Annagu raali ka aheyn  Muqdisho lagu qaban karin ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayuu ku amaanay in aysan wali soo xulin xubnihii ugu mid noqon lahaa guddiyada doorashada isaga oo sheegay in arinkaa ay ku saxan yihiin, waxaana uu dowlad gobolleedyada kale ku eedeeyay in ay soo magacaabeen xubno la mid ah kuwa dowladda dhexe ee federaalka oo ka yimid hay'addaha Amniga gaar ahaan sida uu hadalka u dhigay taliska Nabad-sugida Qaranka

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]