4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Itoobiya oo sheegtay in ay qabatay rag ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo Daacish

 

Axad, November, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Hay'adda Sirdoonka ayaa sheegtay in raggan la soo qabtay in muddo ahba ciidamadu ku daba-jireen ugu danbeyntiina u suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan.

Waxaa wali soconaya howlgalo ka dhan ah xubnahan ka tirsan labada Urur oo la sheegay in ay ku dhuumaaleysanayaan dalka iyadoo la kaashanayo ayeey tiri hay'addu bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ragga la qabtay oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab  iyo Daacish oo ayeey qaarkood sawirradooda baahisay dowladda.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dagaalka ugula jira kooxaha ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]