4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Wasiir Dubbe '' Dalka wuxuu soo maray waqti Odayga xildhibaanka soo xulaya dowladda soo magacaawdo

 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga jawaabay eedeyn maalmihii ugu danbeeyay dowladda uga imaneysa xubnaha mucaaradka ah gaar ahaan musharixiinta doorashada 2020-21.

Wasiirka ayaa sheegay in ay  tahay dowladda in lagu ixtiraamo sida uu hadalka u dhigay mas'uuliyadeeda isaga oo yiri'' "dadku xilka markay hayaan waxay jecelyihiin in lagu ixtiraamo laakiin marka aaney hayn buuqoodu mayara"

Wasiir Dubba ayaa sheegay in maalmihii ugu danbeeyay ay aad u badneyd sida uu hadalka u dhigay eedeyta loo jeedinayo dowladda ee la xiriirta Guddiyada doorashada isaga oo tusaale u soo qaatay in dalka uu soo maray xil Oday  dhaqameedka uu kaligii soo xuli jiray xildhibaanka ka mid noqonaya Golaha Shacabka.

''Waxaa wax lala yaabo ah in hadda laga qeylinayo hannaanka doorashada loo maamulayo, waxaan xasuusta sanadkii 2012kii waqtigii Shariif Sheekh Axmed in  odayaal ay dowladdu gacanteeda ku soo qortay la dhihi jiray xildhibaanka adiga soo qoro, maantana xildhibaanka waxaa soo dooranaya 101 xubnood oo Ergada beesha kursiga iska leh ka kooban, yaa laaluushi kara''' ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu ku tilmaamay Siyaasiyiinta mucaaradka sida dad riyoonaya oo kale isaga oo yiri'' Dadkan la yaabi meyno waxey ku riyoodeen iyaga oo kuraastii ku fadhiya, Guddiyada magacaabaya,Doorashada agaasimaya laakiin sax ma'aha dalka dowlad ayaa ka jirta waa in lagu ixtiraamaa mas'uuliyadeeda, dadka oo dhan wax ma wada maamuli karaan, haddii cid kasta ay awood u leedahay in ay guddiyo soo qorto maanta meeqo guddi ayaan yeelan laheyn, maxey tahay marka dowladda mas'uuliyadeeda haddii qof walba oo suuqa iska socda uu wax magacaabi karo'' ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa warbaahinta siweyn ugu badnaa eedeymaha iyo jawaabaha ay hawada isku marinayaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo mas'uuliyiinta  Dowladda Federaalka kuwaa oo salka ku haya dhamaantood hannaanka loo maamulayo doorashada iyo guddiyada arintan loo saaray oo ay saluug ka muujiyeen musharixiinta doorashada 2020--21.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]