4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Labo Qarax oo ka kala dhacay labo magaalo oo ka tirsan gobolka Amharada ee dalka Itoobiya

 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL)- Laba qarax ayaa laga soo sheegayaan in ay ka kala dhaceen labo magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada Itoobiya, kuwaas oo deris la ah gobolka waqooyiga ee Tigreey halkaas oo ay ciidamada federaalku kula dagaalamayaan xoogagga deegaanka ee Tigrayga..

Qaraxyadan ayaa laga soo sheegay Bahir Dar iyo Gonder, sida laga soo xigtay xafiiska isgaarsiinta ee Amxaarada iyo waaxda wararka ee gobolka.

Waxaa soconaya baaritaanno la xiriira qaraxyadan iyo in ay xiriir la leeyihiin dagaalka ka socda Tigray, lamana sheegin wali wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxyadan.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay isku dhacyada tan iyo markii Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed uu u diray ciidanka difaaca qaranka duullaan ka dhan ah ciidamada maxalliga ah ee sida wanaagsan loo tababaray ee gobolka Tigrayga., kaddib markii uu ku eedeeyay in ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah oo ku yaal aagga.

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika ayaa ka walaacsan in dagaalladu ay ku faafaan qaybaha kale ee waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayna xasilooni darro ka abuuraan gobolka ballaadhan ee Geeska Afrika.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]