4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 14, 2020
Heritage'' Waa in la kala diraan guddiyada doorashooyinka ee muranka uu ka dhashay

 

Sabti, November, 14, 2020 (HOL) - Hay’adda Cilmibaarista Heritage  ayaa qoraal dheer oo ay soo saartay ku talisay in la kala diro guddiga doorashooyinka heer Federaal ee loo saaray in ay ka shaqeeyaan doorashooyinka 2020-21ka, kuwaa oo muran badan uu ka dhashay

Heritage ayaa sheegtay in guddigan uusan waxban ka duwaneyn kii 2016ka oo sida qoraalka lagu sheegay loo agaasimay hab musuqmaasuq iyo boob ku saleysan, laakiin ugu danbeyntii aan waxba faa'iido ah laga gaarin,

''Dimoqraadiyaddu waa hannaan isku yaacsan, gaar ahaan marka lagu dabbaqo dalalka sida Soomaaliya oo kale u nugul Si kastaba ha ahaatee, boobka kuraasta waa laga fogaan karaa si loo ilaaliyo sharcinimada iyo sumcadda dimoqraadiyaddeenna curdanka  ah. waxaan soo jeedineynaa tallaabooyinkan, si loo gaaro hadafkaas: :

Kow, guddiyada FEIT, SEIT iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka, waa in la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada. Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin in ay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, ha soo magacaabeen guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedku ma noqon karaan qaalliga iyo xeer beegtida doorashada soo socota.'' ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhawaan waxaa siweyn uga horyimid guddiyadan madaxda mucaaradka iyo musharixiinta xilka madaxweynaha oo sheegay in aysan aheyn guddiyo lagu kalsoonaan karo, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka kooban yihiin oo kaliya NISA iyo shaqaalaha Dowladda hadda jirta.

Laakiin waxaa arintaan beeniyay oo waxba kama jiraan ka soo qaaday Ra'iisal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo sheegay in arintanni muujineyso kalsooni darro ka muuqata mucaaradka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]