4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2020
Xukuumada Soomaaliya oo beenisay in xubno katirsan NISA ay ka tirsan yihiin guddiyada doorashooyinka Dad ban
 

Jimco, November, 13, 2020 (HOL) - Raysal wasaare ku xigeenka dowladda federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guulleed ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in xubno katirsan hay’adda nabad sugida ay qeyb ka yihiin guddiyada maamulaya doorashooyinka dad ban.

Raysal wasaare ku xigeenka ayaa dhinac kale qiray in labo xubnood oo katirsan xafiiska madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ay ku jiraan guddigaan, balse wuxuu sheegay in guddigii 2016 ay ku jireen tiro intaas ka badan.

“Guddigan intaan ka warqabo labo inan oo ka kala tirsan xafiiska madaxweynaha iyo xafiiska raysal wasaaraha, ayaa ku jira. Markaan eegno guddigii 2016 uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheikh, waxaan kaaga sheegi karaa illaa shan xubnood oo uu ku jiro ninkii guddoomiyaha ka ahaa guddigaas, Cumar Dhegay, oo ahaa la taliyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Xasan,” ayuu yiri Mahdi Gullled.

Raysal wasaare ku xigeenka wuxuu sheegay murashixiintu haddii ay la yimaadaan caddaymo ku saabsan in xubno katirsan NISA ay ka tirsan yihiin guddiga doorashada, in dowladdu ay ka garbaxayso cabashadooda.

“Cabashadu waa inay leedahay aas aas iyo caddayn. Miyay jirtaa maxkamad caddaysay in xubno kamid ah guddiyadu askar yihiin?. Mise Waa cambaarayn iyo xajiimayn, Anigu waxay ila tahay in aan waqtiga la iska lumin oo horey loo socdo,” ayuu yiri raysal wasaare ku xigeenka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]