4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2020
Dil naxdin badan dhaliyay oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Jimco, November, 13, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay deegaanka lagu magacaabo Mareerguur oo ka tirsan gobolka Galgaduud uu ka dhacay dil aad looga fajacay oo loo geystay nin dhimirka ka xanuunsanaa.

Marxuumka dhimirka ka xanuunsanaa ee xalay lagu dilay deegaanka Mareerguur ayaa lagu magacaabi jiray Timajilic Haareey waxuuna ahaa qof xanuunsan oo geed ku xiran kaasoo si weyn looga yaqiinay deegaanka Mareerguur.

Qofka geystay dilka ayaa isaga baxsaday goobta waxaana dilka kadib gaaray goobta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Galmudug kuwaas oo ilaa saaka baaritaano kawada deegaanka Mareerguur.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkan dhimirka ka xanuunsana oo waliba ahaa ruux geed ku xiran, waxaana arintaasi ay fajac iyo layaab ku noqotay shacabka deegaankaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]