4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 13, 2020
China '' waxaa naga go'an in aan heer sare geyno xiriirka nagala dhaxeeya Soomaaliya

 

Jimco, November,, 13, 2020 (HOL) - Dowladda China ayaa sheegtay in ay go'an tahay xiriir iskaashi oo qota dheer oo ay la yeelato Soomaaliya  si ay qeyb wanaagsan uga noqoto tartanaka tartanka talalka Geeska Africa ee muhiimka u ah hormarka.

Wang Yi  oo ah xubin sare oo ka tirsan golaha deegaanka China ayaa hadalka sheegay kaddib markii ay khadka taleefoonka kuwada sheekeysteen wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

Mr Wang ayaa sheegay in Soomaaliya lagu tilmaami karo saxiib wanaagsan oo leysku haleyn karo walaalna u ah sida uu hadalka u dhigay dowladda China, isaga oo intaa raaciyay in Soomaaliya xubin muhiim ah ka tahay Iskaashiga China iyo Africa iyo waliba kan kale ee China iyo Carabta.

Wang ayaa intaa sii raaciyay in dowladda China diyaar u tahay in ay ka faa'ideysato fursada  sanad-guurada 60-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal si loo hirgeliyo is afgaradkii ay gaareen hoggaamiyeyaasha labada dal iyo in lagu riixo xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya meel sare.

“Waxeynu ka mid nahay dalalkii ugu horreeyay ee qiray madaxbannaanida Soomaaliya, Soomaaliyana waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya Jamhuuriyadda dadka Shiinaha” ayuu yiri Wang.

Hadalkan ayaa imanaya xili Dowladda China ay siweyn uga carrootay xiriirka Diblomaasiyadeed ee Taiwan  ay la yeelatay Somaliland oo ay aragto China talaabo aan sax aheyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]