4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Qarax lala eegtay guddoomiyaha degmada Hodan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaa oo lala eegtay guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha halka sidoo kalana uu dhaawac soo gaaray isla guddoomiyaha degmada Hodan oo gaariga la bartilmaameedsaday la socday.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa iyo cidda ka danbeeysay.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay waxaa ku soo kordhayay weerarrada miino ee lagu bartilmaameesado mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda kuwaa oo qaarkood ka badbaaday qaraxyo la eegtay gaadiid ay la socdeen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]