4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
11 Kun oo Qaxooti ka baxsanaya dagaalka gobolka Tigrayga oo u talaabay dalka Suudaan

 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Qarramada Midoobey ayaa wali ka walaacsan xaalada dalka Itoobiya gaar ahaan Ismaamulka gobolka Tigrayga oo ay ku dagaalamayaan ciidamada difaaca Qaranka iyo xoogagga u daacada ah TPLF.

Qarramada ayaa sheegtay in ay ku adagtahay hay'addaha gargaarka aysan geli karin Tigray si cunto iyo adeeg caafimaad loo gaarsiiyo shacabka ku go’doonsan gobolka xilli howlgallada ay horseedeen in uu meesha ka baxo xiriirkii isgaarsiinta.

Suudaan waxa ay sheegtay in dalkeeda ay soo gaareen ugu yaraan 11,000 oo kasoo qaxay gobolka Tigray, inkasta oo Qaramada Midoobey ka digtay in tirada dadka qaxaya ay sare u sii kici karto.

Xukuumadda deegaanka Tigreeda ayaa sheegtay in ay khasab tahay in shacabka gobolkaasi ay "iska difaacaan duulaanka" dowladda federaalka ee Itoobiya, Waxaana lagu soo warramayaa in kumanaan qof ay labada dhinac dagaalka uga dhinteen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]