4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Taakulo loo fidinayo Ardeydii wax-yeeladu ka soo gaartay Qaraxii Ex Koontarool Afgooye ee sanadkii hore

 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Ku dhawaad 15 Ardey ah ayaa ku dhimtay 19 kalana wey ku dhaawacmeen Qarax 28kii December sanadkii 2019-ka ka dhacay Ex-koontarool Afgooye, waxaana maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad lagu daah furayay sanduuq dhaqaale loogu uruurinayo ardeydii ay wax-yeelada soo gaartay.

Jaamacada Banaadir oo ay ardeydan ka tirsanaayeen ayaa ku dadaashay in waxbarasho lacag la’aan ah la siiyo ardeydii ay wax-yeeladu soo gaartay kuwii geeriyoodayna qoysaskooda lagu war-galiyay in ay ardey kale keensadaa oo heli doona waxbarasho blaash ah [Lacag la’ aan ]

Sanduuqan dhaqaalaha loogu uruurinayay Ardeyda ayaa waxaa deeq lacageed oo dhan $ 20,000 ku taageertay hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Guddomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahu Nuur Cismaan ayaa sheegay in ay taakukleyntani tahay mid waajib ah isagoona shaaciyey cadada lacag ay ugu deeqeen sanduuqa taakulada ardaydii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii Ex-Control.

Qaar ka mid ah ardeydii ku dhaawacantay Qaraxa iyo waalidiin goobta ka hadlay ayaa siweyn u soo dhaweeyay mashruucan taakuleynta ah oo sida ay hadalka u dhigeen ku soo beegay waqti ku haboon.

Prof Maxamed Max’uud Xasan Bideey oo ah Guddomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in loo bahaan yahay in lagu daydo Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, waxaana uu ku baaqay in dadka kale ee wax heysta ay ka qeyb qaataan garab istaaga Ardaydan.

Waa markii ugu horreysay oo sida oo kale sanduuq dhaqaale loo furo dad Soomaaliyeed oo wax-yeelo ka soo gaartay qaraxyadii ugu cuslaa ee sanadihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ka mid ahaa qaraxii Ex-goosyka Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]