4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Puntland oo shaqadii ka joojisay wasiir iyo agaasime guud oo isku gacan qaaday
 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadii ka joojiyay wasiirkii kalluumaysiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaas, Cabdirisaaq jaamac Aadan.

Madaxweyne ku xigeenku ma sheegin sababta  uu shaqada uga joojiyay labada masuul. Hase yeeshee xog warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in labada masuul ay maalmo ka hor uu dhexmaray gacan ka hadal kadib muran soo kala dhexgalay.

Warar HOL heshay, ayaa sheegaya in masuuliyiintu isku qabteen arrimo dhaqaale. Kadib murankooda oo batay ayaa sababay gacan ka hadalka.

Puntland, gacan ka hadalka masuuliyiinta dhexdooda waa mid soo noq noqotay. Waxaana horey sidaan oo kale xilalkooda ugu waayay labo kamid ah taliyayaasha ciidamada booliiska.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]