4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka
 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurib ayaa kala saxiixday wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay heshiiska barnaamijkan oo ay dowladdu sheegtay inuu wax badan ka taridoono koboca dhaqaalaha dalka.

Maalintii shalay, raysal wasaaraha ayaa shir guddoomiyay wada hadal heer sare ah oo uu la qaatay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa xoojinta iskaashiga doorashooyinka soo socda, dib u habeynta dhaqaalaha & siyaasada loo wada dhan yahay.

Midowga Yurub ayaa dhawaan Soomaaliya ugu deeqay malaayiin dollar oo wax looga qabanayo dib usoo kabashada dhibaatada dhaqaale ee uu geystay covid19, lacagtaas oo gaaraysa shan milyan oo Yuuro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]