4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa
 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo  Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]