4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Yuusuf Dabageed oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad gobolleedka Hirshabeelle

 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)-Waxaa goor dhaw soo dhamaatay doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo noqonaya Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed.

Yuusuf Daba-geed ayaa ku guuleystay 87 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] uu helay 12   cod dhamaan 99 kii xildhibaan ee codadkooda dhiibtay.

Xildhibaannada ayaa horey xilka madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle u doortay Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo horey madaxweyne ku-xigeen uga ahaa maamulkan.

Yuusuf Dabageed ayaa dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan, waxaana uu hadda ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeele.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]