4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo beeniyay in ay ciidamo u direen dagaalka ka socda Ethipia
 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Cagjar ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamadooda ay qeyb ka yihiin dagaalka dowladda Ethiopia ku qaaday dhulka ismaamulka Tigreega.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ay ciidamo ugu dirayaan dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia.

“Anaga iyo dowladda dhexe ee Ethiopia waxaan ku heshiinay in la ilaaliyo xuduudaha ballaaran ee deegaanka Soomaalida, mana jirto baahi loo qabo in aan xilligaan qeyb ka ahaano dagaalka,” ayuu yiri madaxweyne Cagjar.

Madaxweyne Cagjar ayaa ku eedeeyay xoogag raba in ay dano siyaasadeed ka gaaraan degaanka Soomaalida ay shacabka ku jahwareeriyeen in ciidamo Liyuu booliis ah loo diray dagaalka lagula jiro Tigreega.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxaa uu kamid yahay madaxda sida aadka ah ugasoo horjeeda xisbiga TPLF ee Tigreega, isagoo sheegay haddii aan damacooda wax laga qaban in aysan Ethiopia sii jiridoonin.

“Mowqifkeenna waxaa weeye, in aan 100% taageersanahay dagaalka ay qaadday dowladda Ethiopia. Waxaan ognahay in dowladda lagu kalifay in ay qaaddo tallaabadan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]