4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Ayax fara badan oo duulaan ku ah dhul daaqsimeedka loo dalxiis tago ee degmada Dayniile
 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL) - Duleedka caasimada Soomaaliya, Muqdisho, waxaa hareeyay Ayax farabadan oo ay masuuliyiintu ka baqayaan inay waxyeeleeyaan dhirta oo kadibna saameyn ku yeelan karta dalxiiska.

Ayaxa ayaa yimid Sabtidii bannaanka Muqdisho ee Degmada Daynile, isagoo ku dagay Dhirta iyo daaqa.

Sarkaalka ka tirsan maamulka Danville oo lagu magacaabo Cabdicasiis Daahir ayaa ugu baaqaya dowladda inay gacan ka geysato badbaadinta aagga ay waxyeellada soo gaartay, oo uu ku sheegay mid caan ku ah muuqaalka daaqa iyo dalxiis.

Daahir wuxuu sheegay in welwelka laga qabo uu yahay in duulaanka Ayaxu uu deegaanka oo dhan u rogayo dhul oomane ah isla markaana uu saameyn ku yeesho tirada dalxiisayaasha booqan doona aagga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]